Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa si cad kaga hadlay shaqaalo ama mas’uuliyiin la sheegay iney labo mushaar ka qaataan gobolka Banaadir,kaas oo xittaa shaki badan ka dhex dhaliyay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cumar Filish oo su’aashan lagu weydiiyay goob fagaaro ah ayaa sheegay in haddii isku hoos dhuumaadkaas uu jiri jiray hada la soo afkaray,islamarkaana qofka kasta oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda ama Wasiiro ha ahaado ama xildhibaan ama ciidan uu lacagtiisa ku qaato Akoon Dowladeed oo ay hubisay Bangida dhexe.
“Haddii isku hoos dhuumadkaas uu jiri jiray meelo badana uu ka jiray, shaqaalaha Dowladda hoose uu ka jiray uu ka jiray ciidamada waxaas waa la soo afjaray,bishaarada kale oo aan idin sheegayo waxay tahay dhammaan shaqaalaha gobolka Banaadir, ha ahaado Wasiirada ama ha ahaado Xildhibaanada ama ciidamada dhammaantooda lacatooda waxay ka baxdaa Bangiga Dhexe,” ayuu yiri Cumar Filish
Waxaa mararka qaar dhacda in canshuurta laga qaado dadka degan gobolka Banaadir la siiyo dad mushaar Dowladeed qaata sida Xildhibaanada iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.