Hay’adaha amniga ayaa isku khilaafay qaabka uu Xabsiga uga baxsaday Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan,kaas oo shalay ay Dowladda Federaalka shaacisay inuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa.
Sida xogta aan ku helnay, saraakiisha Ciidanka Nabad sugida iyo Booliska ayaa isku heysta baxsashada C/rashiid Xasan Janan iyo cida fududeysay,waxaana shalay markii uu shaac baxay warkaas kulan deg deg ah isugu yimid Laamaha ammaanka Dowladda oo ka arrinsaday siday wax u dhaceen iyo cida mas’uuliyadda qaadeysa Booliska iyo Nabad sugida.
Sidoo kale, arrintaan ayaa waxay gaartay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha,inkastoo wali wax war ah ka soo bixin.
Laamahaha Dowladda ayaa ka gaabsaday iney fasiraad dheeraad ah ka bixiyaan baxsashada Wasiirkii amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan oo mudo sanad ku dhow u xirnaa Dowladda.
Lama oga halka uu ku xirnaa C/rashiid Janan, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in lagu hayay Guri ku dhow xarunta NISA.
Dhamaadkii Bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ka xireen garoonka diyaaradaha C/rashiid Janan oo ka yimid magaalada Kismaayo, iyadoo la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.