Madaxweynaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaaladda Hargeysa, maanta oo Khamiis ah.
Muuse Biixi Cabdi iyo James Swan waxaa shirka ku wehliyey xubno ka tirsan labadda dhinac oo qodobadii laga hadlay uu quseeyo.
Dhinacyadda ayaa kawada hadlay sidii loo bilaabi lahaa wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jira.
Ugu dambeyntii, waxay isla soo qaadeen xaaladda guud ahaan ee Somaliland gaar ahaan arrimaha mashaariicda UN-ka ka wado halkaas, deeqaha caalamka iyo arrimaha doorashooyinka.
Dhinaca kale, warar xog ogaal ah ayaa kusoo waramaya in Biixi u sheegay James Swan inuu doonayo in wada-hadalka ay la yeelanayaan dowladda madaxwene Farmaajo uu ka qabsoomo waddanka Ingiriiska.