Xisbiga Nabad macaan oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa markii ugu horeysay jeediyay baaq ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya oo la isku diyaarinayo doorashooyin dalka ka dhaca.
Afhayeen u hadlay xisbigaasi oo lagu magacaabo Abshir Jabril ayaa sheegay in siyaasiyiinta, hoggaamiyeyaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay sidii loo heli lahaa badbaado Qaran.
“Cabdi iyo welwel aan yareyn ayaan ka qabaa sida loogu guuleysan karo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Afhayeen Abshir oo sheegay in duruufaha dalka aanay u diyaarsaneyn ka mira dhalinta yoolka la hiigsanayo.
Waxa uu sheegay afhayeenka xisbiga Nabadmacaan in madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada looga baahan yahay inay meel iska dhigaan khilaafyada u dhaxeeya si ay meel iskula dhigaan qaabka loo wajahayo doorasho dalka ka dhacda.