Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay dastuurka iyo xoriyatul qowlka, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladdu isku dayday inay joojiso khudbad uu Arday Soomaaliyeed u jeedin lahaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku sugnaa dalka Malaysia.
Xildhibaan Ganey ayaa sheegay in nidaamka dowladnimado uu noqdo mid ay dad gaar ah ku shaqeystaan oo lagu dhibaateeyo Umadda Soomaaliyeed.
“Heykalkii dowliga ahaa in lagu dhibaateeyo umadda oo dad gaar ah ku shaqeystaan, waa nasiib darro haddii ciidankii iyo safaaradihii meel walba dano koox gaar ah u adeegsanayo”ayuu yiri Xildhibaan Ganey.
Waxaa uu sheegay in safaaradaha dalka dibaddiisa ku yaalla loo adeegsanayo in lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta ka aragti duwan dowladda, waxaana uu tilmaamay in arrintaas ay reebi doono raad cusub.
“Safaaradihii dalka dibaddiisa ahaa in siyaasiyiinta dowladda ka aragti duwan in lagu dhibaateeyo waa aragti cusub oo dalkaan lagu soo kordhiyay waxay reebi doontaa raad cusub, ma ahan wax la qaadan karo, dalkaan meel aanu ka soo laaban karin la gaarsiin”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.
Xildhibaan Ganey ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tallaabo ka qaado kasta oo falkaas ka dambeysay ama dowladdu raalli gelin ka bixiso.
Warqad ay qortay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa looga dalbaday Booliska dalkaas inuu joojiyo munaasabad uu Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame kula hadli lahaa Arday Soomaaliyeed oo dalkaas wax ka baratay, iyadoo isku daygaas uu fashilmay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore is hor-taag ku sameysay munaasabado uu Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ku qaban lahaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana isa soo tarayay caburinta gaarka ah iyo beegsiga dowladdu ku heysay siyaasigan tan iyo wixii ka dambeeyay bishii december ee sanadkii 2017 oo ay Ciidamadda dowladda weerareen guri uu degenaa, kuna dileen ilaa lix askari oo ahaa Ilaalada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kuna soo xireen, inkastoo markii dambe ay maxkamad sii deysay.