Magaalada Muqdisho sicirka hilibka Kalluunka ayaa hoos u dhac weyn soo food saartay, kaddib markii Kalluunka noociisa ugu wanaagsan ee Tonaha laga sameeyo aad ka heleyso goobaha laga cunteeyo, iyadoo hilibkiisana lagu iibinayo goobo aan horay iibin jirin.
Waxaa soo baxay warar been abuur ah oo looga hortegayo iibsashada kalluunkaasi, kaasi oo ka soo baxay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, kaddib markii meel ku dhow xeebta xerada Xalane ku soo caariyeen meydadka noocyo ka mid ah kalluunkaasi.
Wasaaradda Badda iyo Dekedaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya sarkaal u hadlay ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inay baarayaan sababta keentay inuu dibadda u soo baxo kalluunkaasi isagoo meyd ah, inkastoo aanay jirin kalluunka haatan la iibinayo oo meydkiisa baddu soo tuftay taasi oo aan la ogeyn sababta.
Wasaaradda Badda iyo Dekedaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya sarkaal u hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay meydadka kalluunka uu yahay nooc raxan raxan isku raaca, iyadoo khubarada Badaha sheegayaan in kalluunkaan faraha badan ugu wacan tahay isbedelka cimilada Baddeena inay sababtay qulqulka kalluunkii ku xeebaha dalalka kale sida Kenya, Yeman iyo gacanka cadmeed.
Maamulka dekedda Muqdisho sarkaal u hadlay oo aanu la xiriirnay ayaa sheegay in lagu jiro bad furanka, balse aan la gaarin xilligii bad xiranka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in cidii warkaasi faafisay looga baahan yahay caddeymo ay ku qancaan shakiga shacabka ka muujinayaan cunista Kalluunka.
Been abuurka lagu wiiqayo ganacsiga hilibka Malaayga lama oga inay ka dambeeyaan dagaal hoose oo u dhaxeeya hilibleyda Muqdisho ku ganacsata, iyadoo dhowaan Malaay dabatada cabasho xoogan ka keeneen canshuuro xad dhaaf ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka.
Dhinaca kale dagaalka ganacsiga ee ka aloosan Muqdisho ayaa sababay in muddo hal toddobaad ah xayiraad la saaro ka ganacsiga hilibka Geela kaddib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgalay ganacsatada Geela ka soo iibisa miyiga iyo kuwa hilibkiisa ku iibiya Muqdisho.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan Baarlamaanka Federaalka ansixiyay sharciga Batroolka, kaddib markii dowladda Ra’iisal Wasaare Kheyre heshiis la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya soo saarista shidaalka ku jira badda iyo berriga isla markaana xirmooyinka horay loogu soo bandhigay magaalada London ee wadanka Ingiriiska la soo saarayo.
Dalka Soomaaliya oo leh xeeb aad u dheer waxaa ku jira macdan fara badan, iyadoo ay jiraan ceelal iyo goobo la sahmiyay isla markaana ay dhex ceegaagaan macdan kala duwan oo shidaalka uu ku ka mid yahay.
Somaliweyn Media Center (SMC)
Capetown – South Africa
[email protected]