Warar ayaa sheegaya in La dilay Afhayeenkii Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) kaas oo la sheegay Duqeyn lala beegsaday uu udhintay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Labo Habeen ka hor duqeyn ka dhacday Degmada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe lagu dilay Cali Dheere.
Inkastoo cid xaqiijin karta Dilka Sargaalkani aan la heyn hadana waxaa jirtay marar hore in la sheegay in uu dhintay balse beenowday.
Cali Dheere ayaa Hadalkiisii ugu dambeeyey waxa uu ahaa midkii uu kaga warbixinayey Sheegashada Qaraxii ka dhacay 28-kii December 2019-kii oo Labo isbuuc laga joogo.
Waxa Dawlada Soomaaliya aysan si rasmi ah uga hadlin geerida Cali Maxamuud Raage oo xubno qaarkood ay sheegeen in la dilay uuna gantaal ku dhacay goob uu kusugnaa.
Dhanka Al Shabaab ayaan weli ka hadlin Warkaan soo baxay,waxaana Cali Dheere uu ka mid yahay Laf dhabarka Shabaab ay ku taagan yihiin kadib Dilkii Axmed Godane,islamarkaana ay ka baxeen Ururka Rooboow iyo Xasan Daahir Aweys.