Dhaq dhaqaaqyo ay sameenayeen saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Itoobiya ayaa laga dareemayey Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud.
Dawlada Soomaaliya wax kasta ayey uhureysaa inay hesho Maamul ay Sax ahaanshiyaheeda ka gadi karto Caalamka oo Galmudug lagu soo dhiso.
Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya Loo adeegsanayo soo qabashada Axmed Ducaale Xaaf oo ah Sii hayaha xilka Madaxweynaha Galmudug.
Waxa uu diidan yahay Xaaf Hanaanka Maamulka Loogu sameynayo Galmudug Ee ka socota Dhuuso mareeb si cadna u sheegay in Doorasho ay ku qabanayaan Gaalkacyo.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay itoobiyaanka Dhuuso mareeb joogo u adeegsaneyso in lasoo qabto Xaaf,taas oo laga digayo in xaalad cakiran ka dhalan karto.
Dhaq dhaqaaqyo ayey maleeshiyo ku heyb ah Axmed Xaaf ka sameenayaan iyaguna Gaalkacyo ayna ku ballan galeen inay difaaci doonaan Siyaasada Xaaf hadii la isku dayo in lasoo hujuumo.