Xildhibaanada deegaan deerashooda ay tahay magaalada Gaalkacyo ayaa soo taageeray dhaq dhaqaaqa siyaasadeed uu madaxweyne Xaaf ka wado magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa si cad u sheegay in siyaasadda maamul ee Galmudug aanay cidi gaar ah jeebka ugu jirin,islamarkaana ay muhiim tahay in loo madax banaaneeyo Shacabka si ay ula yimaadaan maamul ay ku qanaceysan yihiin loona dhan yahay.
cabdi Qeybiid ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay,islamarkaana ku ammaanayo madaxweyne Xaaf howlaha muhiimka ah oo uu ka wado magaala Gaalkacto ee ku aadan dhismaha maamulka Galmudug.
Wuxuuna Senator Cabdi qeybdiid eedeyn kulul u jeediyay madaxda ugu sareyso dalka oo uu ku tilmaamay iney dano gaar ah ka leeyihiin dhismaha Galmudug,islamarkaana Hantidii qaranka lagu baabi’inayo.
Xildhibaanada Federaalka ee Galmudug laga soo doortay ayaa u muuqdo kuwo ku kala qeybsamay dhismaha Galmudug,waxayna xildhibaanada Beesha Ceyr ay soo dhoweeyeen dadaalada ay Dowladda Federaalka ka wado magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo hadda soo baraarugay ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho oo Dowladda Federaalka ictiraafsaneyn,kaas oo ka shaqeynaya dhismaha maamulka Galmudug.