Post View....

Wararkii ugu dambeeyay dagaal leysku jilba murxay oo ka dhacay Sh/Hoose

0
91

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal.

Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay joogititaanka ku leedahay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

About Author