Xaaladda Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa waxay tahay mid hubinti la’aan ah, tan iyo markii uu Taliska Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in uu ka baxsaday xabsigii uu kaga xirnaa Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalka uu ku dambeeyo Wasiirkii Amniga Jubbaland, iyadoo wararkuna ay yihiin kuwo is barbar socda, kuwaa oo dhammaantood ay yihiin kuwo loo qaateen ah.
Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku sugnaa Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, oo Gobolka Gedo uga yimid, sidii ay uga ergayn lahaayen in ninkaasi xabsiga laga soo sii dayo, ayna dhici karto in lagu sii daayay amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya.
Wasiirkii Amniga Jubbaland oo muddooyinkanba ku xirnaa Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Habar Khadiijo ayaa shan maalmood ka hor loo wareejiyay xabsi guri, iyadoona la dejiyay dhisme ku yaala meel aan ka fogayn Xarunta NISA, oo ay ku ilaalineysay illaa 12 askari.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Cabdirashiid Janan laga sii dayay gurigii lagu hayay, maalintii Talaadadana uu xiriir la sameeyay qoyskiisa joogga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Warar kale oo Warbaahinta gudaha qaarkood tebisay ayaa sheegaya in ninkaasi uu dooni ka raacay Magaalada Muqdisho, sidaasina uu ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, balse waxaa saacado ka dib soo baxay warkaasi mid ka duwan, oo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay markale gacanta ku soo dhigeen ninkaasi, ha yeeshee aan la garanayn halka ay geeyeen.
Sidoo kale waxa uu war xanaf leh ka soo yeeray eheladiisa, kuwaa oo barraha bulshada dadka kula wadaagay in askar ka tirsan kuwa dowladda ay qaarajiyeen Cabdirashiid Janan, ka dib markii amar cidda uu ka soo baxay aan la garanayn ay gelinkii dambe Talaadadii kaga soo qabteen dhisme ku dhow Hotel Jazeera ee Degmada Wadajir. Waxay kaloo sheegeen in soo qabashadiisa ay timid, xilli uu isu diyaarinayay dooni inuu ka raaco Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale markaad dhiraan-dhiriso warka adag ay Jubbaland ka soo saartay maqnaanshihiisa ayaa waxaa loo qaateen ah in warkaasi uu yahay mid siyaasadayn ka fog, isla-markaana ayba dhici karto in Ciidamada Dowladda dileen.
Qoraalkii aan faah faahsanayn ee boolisku uu kaga hadlay baxsashada ay sheegeen inuu Wasiir Janan kaga baxsaday xabsiga ayaa qudheeda lagu macnayn karaa mid ujeeddo siyaasadeed laga lahaa, si hadhow dadka loogu sheego inuu ku dhintay gacanta ciidamada, isagoo baxsad ah, waaba haddii la xaqijiyo geeridiisa.
Iyadoo laga duulayo dalabkii Jubbaland ee la xiriiray inay Dowladda Federaalka cadeyso halka uu ku dambeeyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Jubbaland ayuu dowgu yahay inay dowladdu bayaamiso, haddii kalena ay dadku u fasiran karaan in ninkaasi ay suurtagal tahay in nolosha la dhaafiyay.
Cabdirashiid Janan ayaa waxaa billo ka hor laga qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu la socday diyaarad ka timid Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Magaalada Addis Ababa.
Wasiir Janan ayaana tan iyo 31-kii bishii August ee sanadkii 2019 u xirnaa Dowladda Federaalka, oo ku eedeysay inuu gaystay gabood-falo ka dhan ah aadanaha.
Si kastaba ha-ahaatee, si fadeexad dambe oo Villa Somalia soo wajahdo looga fogaado ayay dadku ku taamayaan in war wanaagsan uu ugu dambeen ka soo yeero xaaladda nololeyd ee Wasiir Janan.