Xildhibaanada Lasoo bandhigay Ee Baarlamaanka Labaad Ee Galmudug ayaa waxaa ay ubadan yihiin xubno inta badan Deggan Muqdisho.
Badankood waa Reer Muqdisho Deegaan ahaan,waxaase ay kasoo jeedaan Gobollada Gal gaduud iyo Mudug.
Dadka kasoo muuqday Liiska waxaa ku jira Askari ka mid ahaa Ilaalada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cabdulle.
Asxaabtiisa iyo Eheladiisaba waxay xaqiijiyeen in uu ahaa mid ka mid ah Ilaalada Kheyre,oo maxaa udiidaya in Askari Xildhibaan Noqdo?
Dad badan ayaa ku doodaya in Axmed Madoobe uu Xildhibaano ka dhigay Bilo ka hor Askar Madaxtooyada Kismaayo ka shaqeyn jirtay,Askarigu Sow Muwaadin is sharaxi karo Maaha?
Sad bursiga jira Ee Dawlad Gobolleedyada ilaa Dawlada Dhexe waa in Qofka Aqoonta leh uu ka horeeyo lagana jecel yahay qofka dhaw Ee Danta fulin kara.