Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Xukuumadda Somaliya Sadiiq Warfaa, ayaa lagu faray Wasaaradda Maaliyadda inay Mushaarka & Gunooyinka ka joojiso Shaqaalaha aan marin tirakoobka saxda ee dowladda.
Dowladda Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waday tirakoob lagu kala ogaanayo shaqaalaha shaqeeya & kuwa aanan shaqeynin, waxaana ugu dambeyn dowladda ay ogaatay shaqaale badan oo Mushaaraadka qaata, balse aanan shaqeynin.
Warqadda Wasiirka uu soo saaray ayaa sidoo kale Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda lagu amray inay dib u eegaan liiska Shaqaalaha aanan shaqeynin.