Post View....

Tuhun weyn oo ka dhashay kulankii Gudiga Doorashada Qaranka & Aqalka Sare + Sababta

0
82

Saaxada Siyaasada Xubnaha ku jira ayaa waxay qaarkood ay shaki ka muujiyeen waxyaabaha gaarka ah ee looga hadlay Shirkii saacado ka hor dhexmaray Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya iyo Gudoonka Aqalka Sare.

Waxa Kulankani ahaa mid Warbixin Afartii Bil mar ay Gudiga Doorashooyinka la wadaagaan Golaha Aqalka Sare Ee Dalka.

Ujeedka ugu weyn Ee laga lahaa kulankii Maanta oo talaado ah dhacay waxa lagu sheegay ballaarinta doorka iyo Fal galka Doorashada Qaranka sida Fikradooda ay Aqalka Sare ugu biirin lahaayeen.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ufaah faahisey Hindisaha Doorashada ay udejiyeen.

Waxay Xaliimo yareey ka warantay sida ay Xisbiyada ugu diyaar yihiin Doorashada inay ka qeyb qaataan 2021-ka Sanadka Soo socda oo Doorashada Madaxtinimada la qabanayo.

Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dawlada Hadda jirta waxay soo bandhigeen in Xubnaha Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ay ujan jeeraan dhinaca Farmaajo oo ay Heshiis hoose la galeen.

Balse Xaliimo Yareey oo Bishii Hore December ka hor hadleysay Golaha Shacabka waxay iska fogeysay inay Madaxtooyada ama Hay’ada Fulinta Xubno ka mid ah ay la safan yihiin,ayna iyagu yihiin kuwo madax banaan oo shaqadooda sidii loogu talo galay ugudanaya.

About Author