Qoraal kusoo baxay shabakadda warbaahin ee Shaaciye oo ku taariikheysan Jan 27, 2020, kuna saabsaneyd warbixin si qaldan usoo gaartary shabakadda Shaaciye oo ka hadlaysay warar mala awaal ah oo sheegayay in RW Kheyre damacsan yahay xil ka qaadis uu ku sameynayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha aanu baaris dheer kadib ogaanay inay tahay mid waxba kama jiraan.
Markaan baarnay oo dabagal iyo xuuraansi dheer ah aan sameyay waxaan ogaanay in isha aan ka helnay warbixinta ay aheyd mid qaldan oo aan ka qoomameynay, kana bixineyno raali gelin buuxda oo u jeedineyno wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/laahi Cali Xasan, iyo guud ahaan xukuumadda fedaraalka ee uu xubinta ka yahay.
Bahda warbaahinta Shaaciye, waxay raali gelin buuxda siineysaa wasiirka warbixinta qaldan laga soo gudbiyay, waxaana u muujineynaa in shaqsiyaadkii warbixintaasi ka helnay aan mar danbe dib ugu fiirsan doono xogaha iyo qoraadooda, iyadoo tallabada ku haboon aan ka qaadan doono.
Bahda Shaaciye waxay u taagan yihiin yihiin soo gudbinta warar lagu kalsoon yahay oo xaqiiqda ku saleysan, ujeedadeenuna waxay tahay haqabtirka baahiyaha wareed ee dalka ka jira iyo u hiilida helitaanka qaran Soomaaliyeed.
Waxaan mar kale ka cudur daaraneynaa warbixintaasi, inagoo xiriiro kala duwan aan la sameynay qeybaha ay quseyso.
Xiriir aan la sameynay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in amar kasoo baxay iyo wada tashi dheer oo Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ay ku timid in la kala diro rugta ganacsiga iyo warshadaha ee gobolka Banaadir, kadib cabasho xoogan oo ka timid qeybaha ganacsatada gobolka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajir qeybaha kala duwan ee ganacsatada gobolka Banaadir iyo guud ahaan Somalaiya.
Waxaan raali gelin buuxda siineynaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. C/laahi Cali Xasan oo aan aaminsanahay inuu u taagan yahay horumarinta iyo kor u qaadista ganacsiga Soomaaliyeed.