Isaga oo kaqaybgelayey munaasabad soo dhowyn ah oo loogu qabtay magaalada London Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxa uu rajo xumo ka muujiyay Doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya 2021.
Waxa uu sabab uga dhigay Nabadgelyada oo uu sheegay in uusan jirin Amni la isku hallayn karo iyo in aysan illaa hadda muuqan diinwaan-gelinta codbixiyeyaasha, islamarkaana aan la aqoon sida loo diiwaangelinayo codbixiyeyaasha taas oo fure u ah doorasho qof & cod ah, waxa uu dul istaagay xaaladda amni ee Dalka, isaga oo su’aal ka keenay heerka ay gaarsiisan tahay nabadgelyada Waddanku!
Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in sababta loo diiwaangeliyay ay tahay ka qaybgalka doorasho Dadka u wada furan oo aan loogu danayn shaqsiyaad gaar ah, waxa uu ka digay in dad gaar ah loo diiwaangeliyo Doorashada isla markaana lagu tilmaamo in ay ka tarjumayaan doorasho Dadweyne sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxa uu ka hadlay muranka-siyaasadeed ee ka taagan Doorashada Galmudug iyo xasarrada kadhex aloosan xukuumadda dhexe iyo Saamileyda siyaasadda Galmudug, Waxa uu soo jeediyay in qorshe lagu wada qanacsan yahay lagu wajaho Doorashada Galmudug, si looga fogaado is qab-qabsi iyo kala qaybsanaan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xisbigiisa aysan jirin musharax ay si gaar ah u wadaan oo u taagan Doorashada Galmudug, isla markaana ay la shaqeynayaan qof waliba oo ku guuleysto xilka.
Shariif Sheekh Axmed waa madaxweynihii 7aad ee kuyimaada habka doorashada dadban, 2009 ayaa Baarlamaankii kmg ahaa waxaa uu ku doortay Jabuuti, waxaana xilkiisu dhammaaday 2012.