Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada Nabad sugida ku xireen Sheekh Cumar Mahad Alle oo katirsanaa Baarlamaankii 1-aad ee Galmudug.
Ciidamo katirsan Nabad sugida ayaa Hotelka Bader uu degnaa Sheekh Cumar Mahad Alle ugu tagay kalana baxay, walina lama oga sababta loo xiray Xildhibaankan horey uga tirsanaa Baarlamaankii hore ee Galmudug.
Dad ku sugan magaalada Dhuusomareeb oon la hadlay ayaa noo sheegay in Cumar Mahad Alle mudooyinkanba uu kasoo horjeeday sida ay u socota doorashada Galmudug iyo habkii loo maray xulista Baarlamaanka.
Cumar Mahad Alle ayaa sidoo kale la sheegay in xiriir dhaw la lahaa Hogaanka Ahlu Sunna ee kasoo horjeeda dhismaha Galmudug, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska Nabad sugida Dhuusomareeb.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay Muuqaal mar hore laga duubay Siyaasigan lagu xiray Dhuusomareeb uu ku sheegayay in Doorashada Galmudug tahay mid waxbo kama jiraan ah ayna dooran yihiin Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Xarigan loo geestay siyaasigan kasoo jeeda Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa kusoo aadaya xili la filayo in khamiista ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.