Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay halka uu ka soo bilowday dagaal siyaasadeedka uu kula jiro madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Senatorka ayaa tilmaamay in dagaalkooda uu ka soo bilowday bilowgii doorashada Farmaajo iyo magacaabistii Kheyre ka dib markii ay isku fahmi waayeen arrimo masiiri ah oo uu damcay inuu kala hadlo labada mas’uul,balse ay fursad u siiyeen waqti uu kula hadlo.
Sidoo kale, arrintaas darteed ayuu Muuse Suudi ku sheegay inuu kaga haray tegitaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo mararka qaarkood saaladaha faralka uu ku oogi jiray,sida uu hadalka u dhigay mar uu ka hor hadlayay xarunta Aqalka sare.
Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr mar isku qabtay dhul uu Senatorka ka degan yahay magaalada Muqdisho,kaas oo lagu amray inuu ka guuro,balse uu ka biyo diiday,taas oo sababtay in khal khal ami laga dareemo magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beesha Mudulood ayaa badi dhaliilsan hanaanka shaqo ee Dowladda Farmaajo,iyagoo qaarkood u arka inuu jiro awood maroorsi xagga maamulka ah.
Marar badan oo uu Muuse Suudi ka hadlay warbaahinta ayuu dhaliil hawada u maray Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.