Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa diiwaan-geliyay musharax Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).
Musharaxan oo u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa guddigu waxay siiyeen shahaadada Musharaxnimo ka dib markii uu soo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa ah musharaxa ugu cad cad ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, waxaana la aaminsan yahay inuu taageero weyn ka heysto dowlada Somalia.
Qoor-qoor ayaa noqonaya musharaxii labaad ee isku diiwaan geliya xilka Madaxweynaha Galmudug, Waxayna arintan ku soo aaday xili musharaxiin kale oo u taagnaa doorashada madaxweynaha Galmudug ay shaaciyeen iney ka baxeen tartanka ka dib markii ahlu suna ay khilaaf cusub ka abuurtay doorashada kaasoo aan weli xal loo helin.