Waa Qeybihii ugu dambeeyey Ee Doorashada Galmudug Ololaha loogu jiro taas oo kulamo siyaasadeed oo xoog leh socdaan.
Magaalada Dhuuso mareeb ayaa waxaa Isbaheysi maanta ku sameystay Seddex murashax oo Madaxweynaha galmudug utaagan.
C/raxmaan Xuseen Odawaa,C/llaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Guutaale waxay ku ballameen in kii Cod badiyaa kuwa kale ugu shubaan.
Kulan ay Seddex Murashax ku yeesheen Maanta Dhuuso mareeb ayey ugu dambeyn Baayaco galeen oo ay Doorashadaasi isku taageeraan.
Waa dhabar jebin lala rabo Murashaxa Xukuumada Soomaaliya wadato Ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ay umuuqato in lala gedin rabo Doorashada.
Hayeeshee Dawlada ayaa dhaqaale badan ku bixineysa sidii qoor qoor loo soo dooran lahaa,iyadoo Xildhibaanada Lacag badan lasiinayo si ay codkooda Kaariye usiiyaan.