Post View....

Sawirro:-Madaxweyne Waare Oo Gaaray Buulo-Burte Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
72

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wadi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweyne Waare ee Buulo-burte ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana Garoonka diyaaradaha Buulo-burte kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyi qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle ee Degmada Buulo-burte ayaa waxaa uu yahay sidii uu u xalin lahaa tabashooyin dhinaca maamulka ah oo ay qabaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaanka.

Sidoo kale Waare ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Degmada Buulo-burte iyo Odayaasha, waxaana la filayaa inuu xaliyo tabashooyin halkaas ka jira.

Dhinaca kale qeybaha kala bulshada ee ku sugan Buulo-burte ayuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo ka xog-wareysan doona xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka.

     

About Author