Post View....

SAWIRRO: Ciidanka DF Oo Qarka U Saaran Degmada Ceel-Buur Iyo Shabaab Oo Ka Cararay

0
94

Ciidamada Qalabka sida ayaa qarka u saaran Degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

Cutubyo ka tirsan Guutada 13-aad ee qaybta 21-aad iyo Ciidamada NISA qaybtooda ka howlgasha Galmudug ayaa gaaray deegaanada Galqoryale , barujeed , ceelbaxaay iyo golagole oo dhowaan Alshabaab ay dadka deegaanka kula hadleen

Ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay gacan Ku heynta deegaanadaasi iyadoo saraakiisha Ciidanka oo dadka shacabka ah la hadley ay u sheegeen in uu soo dhomaadey waqtigii laga cabsan lahaa Alshabaab Awoodeedu wiiqantey sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaya Guutada 13-aad G/Le Abdirahman Moalim mohamoud “Timadheere” ayaa sheegey in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed isla markaana ay ka go’antahay in ay cadawga ugu tagaan meelaha yar ee uu Ku dhuumaaleysanayo.

About Author