Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Maanta soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,hayeeshee isku-soo dhiibey Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey ayaa taliska Booliska degmada Baraawe waxaa ay sheegeen in uu isku-soo dhibey Ciidamada Dowladda,isla markaana Al-Shabaab uu ku biirey sanadkii 2012-kii.
Maxamed Axmed Maadeey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriirey Abtigiis oo dowladda ka tirsan sidaasina ay ugu siirtagashay in uu dowladda isku-soo dhiibo,waxaana uu baaq u diray Xubnaha weli ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali ayaa Goobta lagu soo bandhigeyey Sarkaalkaan ka sheegay in sarkaalkaan sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab ay kamid tahay dhibaatooyin uu kala kumay iyo inay ka shakiyeen.
Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin ninkaan taliska Ciidanka Dowladda ee degmada Baraawe ay Maanta soo bandhigeen oo la sheegay in uu kasoo goostay Al-Shabaab.