Dowladda Qadar ayaa sheegtay inaysan marna illaawi doonin taageeradii ay Turkigu siiyeen xilli ay go’doomin kala kulmeen dalal kale oo Carbeed, kuwa kalena ay ka dhaqaajiyeen kaddib markii cadaadis la saaray, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.
Al Thani oo la hadlayey warqaadyada midka London-fadhiya ee Al-Araby Al-Jadeed iyo midka reer Libnaan ee Al-Mudun, ayaa falanqeeyay xaaladda kacsan ee Maraykanka iyo Iiraan iyo xiriirka kala dhexeeya Turkiga.
“Turkigu wuxuu ka mid yahay dalalka ugu horreeya ee aannu mudnaanta siinayno xiriirkooda. Wax badan baannu isku aragti ka nahay, mid ka mid ihi waa taageerada dadka Suuriya,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafkii Khaliijka,kaas oo dad badan u fasirteen in Dowladda Soomaaliya u janjeersatay Qatar oo taageero weyn Siisa Villa Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aad u xooggan yahay xiriir istaraatiji ah iyo mid dhinacyo badan leh oo ku dhisan iskaashi ganacsi, difaac, dhaqaale iyo amaan.
Isbahaysi uu Sucuudigu horkacayo oo ay ka mid yihiin Imaaraadka, Bahrain iyo Egypt ayaa xiriirka u jaray dalka Qadar bishii Juun 2017-kii, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha xag-jirka ah isla markaana ay soo dhowaynayso Iiraan oo aanu jeclayn Sucuudigu.
Dalalkan ayaa Qadar usoo jeediyay shuruudo ay ku jirto inay xiriirka u jarto dalka Turkiga ama ugu yaraan ay dalkeeda ka bixiso ciidamada Turkiga.