Kooxda Qareennada ah ee difaacaya Donald Trump ayaa Talaadadii soo gabagabeeyay dooddoodii ku saabsaneyd dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha ee ka socota Aqalka Senate-ka, iyagoo masraxa u banneeyay labo maalmood oo su’aalo weydiin ah.
Xiritaanka doodaha ayaa yimid xilli ay sida bambo u qaraxday xog xasaasi ah oo ku saabsan in la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton, uu qorayo buug cusub oo xaaladda kusii adkeyn kara madaxweyne Trump.
Mr Bolton ayaa lagu soo warramay inuu qormadiisa ku daray in Mr Trump uu si toos ah u hakiyay kaalmada dhinaca amniga ee Ukraine, si uu u helo faa’iidooyin siyaasadeed oo isaga u gaar ah.
Xogtan la shaaciyay ayaa awood usii yeeshay dalabka ay xisbiga Dimuqraaddiga ku doonayaan in markhaatiyaal loo yeero.
Xisbiga Jamhuuriga ee uu madaxweynuhu ka tirsan yahay ayaa diiddanaa in loo yeero dad ku matkhaati fura golaha hortiisa, iyagoo inta badan ka walaacsanaa waxyaabaha uu sheegi karo Mr Bolton.
Dimuqraaddiyiinta ayaa u baahan inay 4 xildhibaan oo jamhuuri ah helaan si ay ugu guuleystaan codeynta ku saabsan in markhaatiyaal cusub la dhageysto.
My statement on Bolton developments. pic.twitter.com/3M59J7suts
— Sen. Susan Collins (@SenatorCollins) 27. januar 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadii tabisay in Mitch McConnell, oo ah siyaasiga ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga uu shir ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay xisbigiisa, ka dib markii uu ka war helay warbixinta la xiriirta Bolton, isagoo u sheegay in xisbigu uusan heysanin codad uu ku hor istaago markhaatiyaasha.
Balse Mr McConnell iyo kooxdiisa hoggaanka haya ayaa la sheegay in ay kalsooni buuxda ku qabaan inay ilaa dabayaaqada isbuuca Senetaro ku filan oo Jamhuuriyiin ah ka dhaadhicin doonaan inay mowqifkooda taageeraan.
Madaxweyne Trump ayaa dacwad xil ka qaadis ah lagu soo oogay, isagoo loo heysto eedeymo la xiriira inuu awoodda ku xad-gudbay iyo inuu u hoggaansami waayay golaha wakiillada.
Waxaa lagu eedeeyay inuu Ukraine ka xannibay lacag dhan $391m (£300m), taasoo ahayd gargaar milatari oo uu Mareykanku ku caawin jiray waddankaas, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu madaxweynaha Ukraine cadaadis ku saaro sidii uu ugu dhawaaqi lahaa in la billaabo baaritaan musuqmaasuq la xiriira oo ka dhan ah siyaasiga ay iska soo horjeedaan Trump ee lagu magacaabo Joe Biden.
Maxaa xigi doona?
Dacwada ka socota Senate-ka ayaa hadda u gudubtay labo maalmood oo su’aalo weydiin ah, waxaana ay xisbiyadu heystaan ilaa 16 saacadood oo ka mid ah Arbacada ilaa Khamiista.
Codeynta loo qaadayo in markhaatiyaasha cusub loo yeero iyo inkale ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Jimcada ah.
Haddii ay afar xildhibaan oo jamhuuri ah la saftaan Dimuqradadiga, waxaa la heli doonaa codka aqlabiyadda ah ee loogu yeeri doono markhaatiyaasha.
Warar madax bannaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in 75% ka mid ah mudaneyaasha ay aaminsan yihiin in markhaatiyaal la oggolaado.
Saddex meelood labo ka mid ah xildhibaannada ayaa loo baahan yahay si xilka looga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump.
Waa madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad xil ka qaadis ah, taariikhda waddankaas.