Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax saakay ka dhacay mid ka mid ah kontroolada laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Waraxa ayaa la sheegayaa inuu geystay qasaaro kala duwan, kaddib markii uu ku qarxay goob ay ku sugnaayeen gaadiid fara badan, iyadoo halkaasi durba gaareen gaadiidka gurmadka caafimaadka.
Ciidamada ammaanka oo halkaasi soo buux dhaafiyay ayaa xiray guud ahaan nawaaxiga isgoyska Sayidka ee uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi laga daabulayaa dadkii wax ku noqday qaraxaasi.
Dhinaca kale ilaa iyo iminka ma jirto tiro rasmi ah oo laga helayo baaxadda qasaaraha uu geystay qaraxaasi, iyadoo halkaasi ay gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada madaxtooyada Villa Somalia iyo kuwa Booliska.
Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena dambe.