Qarax ayaa waxa uu galinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo warar dheeraad ah kasoo baxayaan.
Dableey Hubeysan ayaa waxay bam gacmeedka F1-ta loo yaqaano ku weerareen guri uu deggan yahay sargaal katirsan sida la sheegay ciidanka Booliska Soomaaliya.
Guriga ayaa ku yaalla Degmada Wadajir,iyadoo Seddex Qof ay ku dhaawacmeen oo ahaa shacab ka dhawaa meesha Bambada lagu soo tuuray.
Waxa Goob joogayaal ay sheegeen in ciidamo katirsan Kuwa Dawlada ay gaareen wax yar kadib meesha iyagoo baaritaano sameeyey.
Kooxda weerarka fulisey ayaa cagaha wax ka dayey mana jirto faah faahino kale oo laga bixiyey hujuumkaasi.
Laamaha Amniga kama aysan hadlin guriga sargaalka Booliska katirsan ee la weeraray,iyadoo weerarada nuucaan ah ay sheegtaan Ururka Al Shabaab.