Maalmahaan, Saxaafadda Gudaha iyo Baraha Bulshada waxaa ku badnaa arrinta Amaal Nur Osman, Akhbaaraad aad u kala fog ayaana laga soo tabinayay, dabcan Run ma wada ahan.
Ma ahan dhacdo fudud dhinaca Sharciga, Diinta, iyo Dhaqanka Bulsho. Diaspora waxaan u naqiin, Dad walaalaheena oo Somali ah oo dhani u geeysay in ey Dal kale ku noolaadaan. Laakin dhacdadani waxa ey muujinee,in Dowladu u aqoonsatay caruurta Qurba joogtu in eynan eheyn Somali oo ey leeyihiin Dal kale oo lagu celin karo,Sida Dowladuhuba ey isagu celiyaan Dambiilyaasha Dalkoodii ka soo baxsaday.
(( Sida Caqliga suubani na farayo, waxaa habooneyd in Amaal marka hore loo geeyo waalidkeed oo lagu yiraa waa tan gabadhii idinka maqneyd ee ma heeysaneysiin mise Dalkii aad ka keenteen ayaad kula noqoneysiin)).
Taasi ma dhicin ee Hooyadeed oo Xamar joogto oo muddo aan arag, ayaa loogu yeeray Habar Ajnabi ah, laguna yiri: wata Ubadkiina. Amaal soow ma ahan Gabar Somaliyeed oo Dalkeedii joogto!!!.
Maxaan uga Dowanahay, Hindiya oo aan Dad ku yareeyn, ayaa hal cunug oo waalidkii laga watay dartii shirkado u eriday oo xiriirkii labada Dal u jartay, ilaa Cunigii yaraa ee Hindiga waalidkii loo soo celiyo.
Hadda ka hor Aniga oo joogo, Oslo -Norway ayaan Dacwo cabasho ah ka keenay 2000 Caruur dhan oo Somali ah oo walidkood laga watay, ( ogoow waalidkaasi mar dambe caruurtaa dib uma arkayaan,oo meela fog iyo Magaalooyin Buura dhaxdooda ah ayaa lagu korinayaa).
laakin Hadda Amaal sideen ugu dacwoodaa,Somalida ayaaba dhiibtay, Hooyadeedna Denmark kuma noqon karto oo waxaa la leeyahay waa dambiile ilma Reer Denmark ah dhibaateeysay.
Bulshada Somalida ee ku nool Dalka Denmark ayaa hore casuumad iigu soo dirtay in aan imaado Denmark 1/2/2020. hore ayaan uga cudur daartay Dhacdada Amaal ka hor ayeey aheyd, Arrimo ii gaar ah oo aanan waqtigaan u imaan karin, Mar kale xalay ayeey igu adkeeyeen laakin waan u sheegay in aanan imaan karin, oo weli aanan fursad u heysan. Laakin waxaan ka codsaday in Shirkaa ey isagu imaanayaan ey ku soo qaadaan arrinta Amaal iyo waalidkeed.
Qurba joogeey, inteen idiin raacnaa mar waxaad leedihiin waxaan nahay Somali Reer hebel ah oo 4.5 qeyb ku qaatay, marna Dal kale ayaad sheeganee, kuwa Caruurta tarxiilayana waa qurba joog kale, Sucuudi miyaan joognaa.
iga raali ahaada, haddii aan idin fahmi waayo, Runtii Dhal magaalo ma ihi, Isbitaalna kuma dhalan, Anigoo dhoor leh oo Dhar ku dhusuq leh ayaan Baladka Barri ka soo galay.
FG: Ayaantaan is dhiib dhiiboow ayaa jiree, yaan Aniga leeygu sirmin oon leey dhiibin, Annigu Dal kale malihiye, ilmaheenana haku sirmina ee Adinku dhaxdiina is dhiib dhiiba Qurba joogeey , kuwa wax dhiibayo iyo kuwa la dhiibayo waa isla adinka,haddaad sidaa ilxabnimo u aragteen.
Qooyskii Amaal ayaan la wadaagayaa dhibaatada.
Qore : Yahya Amir