Post View....

Mustafe Cagjar oo Somaliland kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa weriye Coldoon

0
92

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook-ga Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in ay Soomaaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

“Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland.Abdimaalik muuse sidii uu xoriyadiiisa u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa wuxuu balan qaaday in door weyn ka qaadanayo sidii loo sii day lahaa weriye Cabdi maalik Coldoon oo mudo u xiran Soomaaliland.

Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan,isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ay Wariye Coldoon ku eedeeyeen inuu u gefay Somaliland, iyo aflagaado la sheegay inuu u geystay dugsiga abaarso.

About Author