Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lafilayaa in Maanta oo Jimce ah oo safar deg deg ah ugu ambabaxo Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
Wafdiga Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa u jeedada ay halkaasi u tegayaan waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira iskashiga Gobolka iyo xaalado ka jira.
Dowladda Ereteriya ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyaga oo ku wada jira Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tira ka dhowr jer ah waxaa uu tegay dalka ereteriya,isaga oo kulamo kala duwna la qaatey Madaxda dalkaas,waxaana jira iskaashi dhinaca Gobolka ah oo xilligaan ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya.
Madaxwyene Farmaajo ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo ku saabsan Gobolka iyo xaalado Cusub oo oo kordhay.