Garbahaareey:-Malleeshiyaad ka soo goostay Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada XDS ee ka howlgala deeganada gobolka Gedo..
Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo dhoweeyay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan kooxda.
Labadan nin ee lagu soo dhoweeyay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayna haddda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.
Arrimahan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada XDS ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda iyo iyagoo yaqiinsaday in mas’uuliyiinta dowladdu ay soo dhaweynayan dhallinyarada ka soo tagta Shabaab.