Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Dani ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab ee inta badan ka dagaalama Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Siciid Cabdulaahi Dani, ayaa sheegay Shabaab inay caqabad ku yihiin deganaanshaha geeska Afrika, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo jeediyay qaab dhaqaale in lagula dagaalamo Shabaab, maadaama sanado badan dagaalka Militariga wax looga qaadi waayay.
“La dagaalanka fikirka Xagjirka ah iyo nabadgelyadooda ma ahan daawadooda in lala dagaalamo Militari ahana, waa in si kobac dhaqaale lagula diriro oo dadka inta la qaldayo laga gooyo”ayuu yiri Saciid Dani oo ka hadlaayay Magaalada Nairobi.
Dagaalka Shabaab lagula jiro waxaa iska kaashaday dowlado kala duwan oo Reer Galbeed & Afrikaan isugu jira.
Al Shabaab ayaa awoodooda waxa ay ku tiirsan tahay inuu sareeyo Sirdoonkooda, islamarkaana xogo badan ay ka dhex helaan Hay,addaha dowladda.