Digreero ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii maxkamadda Ciidamada Puntland & Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda.
Digreetada uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay u qornayd sidan.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.
Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Puntland
Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta qaarkood iyo dadweynaha Puntland.
Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland.
Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland, kuwaasi oo kala ah:
2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.