Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar isku badalay.
Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma ayaa loo magacaabay xilka wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda
Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.
Tallaabada uu Madaxweynaha Kenya isku shaandheynta ugu sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada qaarkood, ayaa dhaliil laga muujiyay.
Kenya waxa ay dagaal adag kula jirtaa Ururka Al shabaab oo ka dagaalama gudaha Kenya, xilli ay sii kordhayaan weerarada Kooxda ay ka gaysato gudaha dalkaasi.