Al Shabaab ayaa waxay inta badan Dilal Qorsheysan ka geystaan Magaalada Xamar Ee Caasimada Soomaaliya,kuwaas oo Shacab iyo Xubno ushaqeeya Dawlada ku beegsadaan.
Waxay leeyihiin hogaan Dableydaasi ay hoostagaan,balse aan xarun loogu hagaago la garaneyn.
Ciidamada Amaanka ayaa dhowr mar howlgalo qorsheysan ay fuliyeen waxay sheegeen in ay soo qab qabteen dhowr qofood.
Maxkamada Racfaanka Ee Puntland ayaa waxay maanta Xukun ku riday 13 Qof Oo Loo heystay inay Al Shabaab iyo Daacish ka mid ahaayeen.
Dadka Xukunka maanta ku dhacay waxaa ku jira Ayuub Nuur Nuux oo sanadkii hore bishii July 2019-kii Isla Maxkamad Puntland ah Dil ku riday.
Balse Maanta Dadkii Xukunka Xabsiga Shan Sano lagu riday ayuu ku jiray taas oo ka dhigneyd in Madaxii Amniyaat-ka Al Shabaab Ay Puntland Dilkii ka cafisey.
Ilaa Hadda ma heyno wax war ah oo Kasoo baxay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Puntland oo looga hadlayo sababta keentay shakhsi Dil hore loogu xukumay hadana Laga cafiyo iyadoo cadeymo ama Warbaahinta lala wadaagin.