Wararka ka imaanaya deegaanka Kamuudey oo dhaca duleedka magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 macalimiin ah lagu dilay weerar ka dhacay halkaas.
Koox looga shakisan yahay inay yihiin Shabaab ayaa aroornimadii saaka weeraray deegaankaas.
Wararka waxay sheegayaan in kooxda weerarka fulisay ay bartilmaameedsadeen saldhig boolis iyo anteenada isgaarsiinta aaggaas.
Makala cadda kooxda ka dambeysay weerarkan balse ururka Al Shabaab ayaa horey weeraro ka geystay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya.