Post View....

Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose oo deeq gargaar ah gaarsiyay qoysas dan yar.

0
77

Marka:-Maamulka G/ Shabeelada Hoose ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay ku dhawaad 1500 oo qoys oo ay sameeyeen fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa horkacayay wafdiga deeqda gaarsiiyay qoysaska ku dhaqan degmada Afgooye.

Guddoomiye Ibrahim Adan Ali Najah ayaa uga mahad Celiyay Madaxweeynaha maamulka koofur galbeed Mudane Abdulaziz Hassan Mohamed -Lafta-Garen sida uu mar waliba hay’daha gargaarka u gaarsiiyo xaalada shacabka reer KGS.

Ma ahan Marki ugu horeysay oo maamulka gobolka Shabeelada Hoose uu deeq gaarsiiyo shacab weynaha ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose.

About Author