Xashiishka loo isticmaalo cunno ahaanta ayaa ku sii badanaya caalamka iyadoo dalal badan ay sharciyeynayaan, khubarada caafimaadkuse waxay uga digayaan dadka cunno ahaanta u adeegsada in uu waxyeello caafimaad ku keeni karo iyaga iyo dadka la noolba.
Tusaalihii ugu dambeyay ee aan u soo qaadan karno dalalka sharciyeeyey xashiishka qaab cunno ahaanta ah waxaa ka mid ah dalka Canada oo isagu bishii Oktoobar sanadkii 2019 oggolaaday sharciyadaas.
Qiimeyn dhowaan lagu sameeyay dadka Canada ayaa muujineysa in 80% dadka adeegsada xashiishka ay doorbidayaan in ay adeegsadaan xashiishka u diyaarsan qaabka cunno ahaanta oo aysan dooneyn mid caadiga oo ay iyagu sameynayaan, waxayna sheegeen in uu ka yareeynyo walaaca ismarkaan uu ka saxayo jahawareerka ay ku qabaan hurdada.
Si kastaba ha haatee xashiishka noocaan ah ayaa waxyeelleyn kara caafimaadka dadka isticmaala iyo kuwa aan waligood istcmaalin ee la nool dadka isticmaala xashiihshka cunnada laga dhigto gaar ahaan caruurta iyo xayawaanka guri joogga ah.