Guddoomiyaha Golaha shacbka, Maxamed Mursal Cabdiraxman ayaa qaabiley Safiirka Sweden ee u fadhiya dalla, Staffan Tillander.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadley arimaha Dooroshooyinka 2020-2021 ee la filayo in waddanka ay ka dhacadaan.
Mursal ayaa u sheegay danjiraha in ay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka, iyaddoo ana muddo kororsi ah dhicin.
Diblumaasiga ayaa dhankiisa ku bogaadiyey gudoonka labadda aqal meelmarinta sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah coddeynta mustaqbalka dhaceysa.
Dhinaca kale, warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Mursal uu danjiruhu ku dacweeyay qaar kamid ah maamualdda iyo mucaaradka.
Ninka labaad ee ugu awooda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad goboleedyadda qaar ay isku deyayaan in fashiliyaan doorashooyinka 2020-21.