Xog ay faafisey Idaacad Ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay dagaal la galeen Askar ka goostay Maamulkaasi.
Waxaa adag in la helo Xog ka baxsan warka ay Idaacadaasi baahisey maanta duhurkii oo lagu sheegay in 7 Askari oo ilaalada gaarka ahaa Axmed Madoobe isku dhiibeen Al Shabaab.
Dagaal ayey Shalay galab ciidankani la galeen Askar ka mid ah Daraawiishta Jubbaland oo doonayey inay gacanta ku dhigaan.
Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanka Janaay Cabdalla,oo duleedka Kismaayo dhacda,mana la hayo macluumaad dheeraad ah.
Ilaaladii gaarka ahaa Ee Axmed Madoobe isku dhiibay Al Shabaab ayaana la sheegay in si diiran loogu soo dhaweeyey Deegaanka Janaay Cabdalla oo Al Shabaab maamulaan.
Ma jirto war kasoo baxay Xafiiska Axmed Madoobe oo looga hadlayo waxa ka jira Akhbaaraadka sheegaya in ilaalada madaxweynaha qaar ay ay isku dhiibeen Shabaab.