Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Aby Axmed oo ku guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa yiri “Itoobiya waxa ay dhawaan qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo”.
Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah ugu ugu dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee ay qabsoomi doonto doorashada dalkaas oo ay u asteeyeen 17ka bisha Agoosto ee sannadkan 2020.
Guddiga ayaa sheegay in ay diwaangelin doonaan cod bixiyaasha inta u dhexeysa bisha Maarso ilaa iyo 28ka Abriil ee bartamaha sannadkan 2020.
Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay.