Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay in dadka ku nool Magaalada Buulo Burde looga baahan yahay inay iska daayaan hadallada kasoo gaaraya dad uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin.
Waxaa uu sheegay in Bulshada marnaba aysan ka banaanbixin dad xil laga qaaday oo doonaya dano siyaasadeed,kuwaas oo la soo hadla,hayeeshee ay soo bandhigi karaan baahidooda.
Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame waxaa uu sheegay in marnaba laamaha Amniga aysan ogolaan doonin banaanbaxa ay dhigayaan dadka Shacabka ah taas oo keeni karta falal amni darro,isaga oo digniin u direy dadkaas.
Hadalka Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa daba socday xilli dhawaan banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah Shacbaka degamdaas ay sababtay inay ka dhashaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac.