Dawlad Gobolleedka Jubbaland waxay soo bandhigeen 8 Qodob Warsaxaafadeed ah oo ay kaga hadlayaan intiisa badan Xad gudub Dawlada Dhexe ku sameysay Maamulkooda.
Xubno uu horkacayey Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland ayaa waxay gaareen Gobolka Gedo iyagoo ukuur galayey Xaalada Gobolkaasi.
Waxaana Warsaxaafadeedka Lagu muujiyey Doorka Dawlada Dhexe Ee duminta Jubbaland,Xayiraada la saaray Reer Jubbaland iyo Bur burinta Dastuurka iyo Dawladnimada ay Villa Soomaaliya sameneyso.
Xariga Wasiir Janan oo BishiiAfaraad sii caga cageenaya ayaa warsaxaafadeedka lagu dhex arki karaa taas oo khalad iyo ciqaab aan mudneyn lagu tilmaamay wasiirka.
Ugu dambeyn waxay Jubbaland Beesha Caalamka war gelisey Culeyska ay kala kulmayaan Dawlada Federaalka sidaa awgeedna ay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Jubbaland ugu baaqeen inay isku duubni sameeyaan.