Post View....

Gedo iyo Galmudug, jeeb qalad ah ayaan galinee, Alloow Qujujucdooda Madaafiic ha ka dhigin ee…=Nasashada Jimcaha.Q-185aad=

0
82

1-Sadax Nin oo Caajisloowyaal ahaa ayaa ku tartamay Caajis.

Midkii 1aad ayaa yiri: Geed aan Subaxdii dhinac ka seexday ayaa Galabkii Qoraxdii wareegtay, Aniguna dhinacii kale ayaan u wareegi waayay.

Kii 2aad ayaa yiri: Daad soo fatahay oo aan arkayo, ayaan ka leexan waayay, kadibna waa i qaaday.

Kii 3aad ayaa: Hamaansaday, kadibna gacanta ayuu taagay, si uu u tuso in uuna hadli Karin. ( F.S: 1aad)

( Siyaasi ayaa yiri: waxaan arkay, Siyaasadii aan ku jiray oo dhinac kale isku bedelee ,Harkiina ka wareegay, Harkii ayaan la wareegi waayay. Kii 2aad ayaa yiri: waxaan sugay Daad qulqulayo oo xafiisyadii noogu soo galayo ,wuuna i qaaday. Kii 3aad ayaa yiri: yaah)

2- Nin Baadiyaha Baladweyne Geel ku ilaashanayay ayaa loo sheegay in ey Hooyadii ey ku xanuunsan tahay meel ka fog. waxa uu u yimid Hooyadii oo hurdeeyso oo xanuun la riimee. Wiil yar ayaa weeydiiyay ,Hooyo maxeey la riimee?.

Geel jirihii ayaa yiri: waxeey la riimeeydaa, waxaan maqli jiray Cajuuso waa habar jinni. Ameey Jinigii u raaxeeyneeydaa. ( F.S: 2aad)

( Geel jire kula yaabi maayo adadeeg iyo Aqoon la’aan, waxaanse la yaabay koo la leeyahay wax buu bartay oo deriskeyga ah, sida hooyadii oo soo jeedo uu ugu war celiyo)

3- Gabar Reer Bari aheyd oo Lug jiis ka ah ayaa wiil ey shukaansato, waxa ey ku sugtaa Guriga Albaabkiisa, istaag ayeeyna ugu sheekeeysaa, si uuna u dareemin Curyaan nimadeeda, marka ey ka tagee ayeey ku tiraa: Boowe, Annigu marka aan maqlo warkaa oo kale waan ka dhutiyaa, iyada oo dhuteeyso ayeeyna Albaabka soo xirataa, isaguna waxa uu u maleeynayay in ey hadalkiisa ku jees jeesee ama suuraha Reer Bariga ey ka tahay.

kadibna Cideedii ayuu ka doontay, markii loo Aqal keenay ayuu ogaaday in dhutisku uuna suura ka aheyn…….. Jiifka ha lagu wada dhutiyo ahaa.( F.S:3aad)

4- Wiil 16 jir ah oo Qurbaha ka yimid ayaa Lix billood kadib bilaabay in uu Gabar shukaansado, waxa uu ku yiri: Babe, ma ogtahay in Dhaqan celintii la ii keenay ey shalay ii dhamaatay. Waxa ey ku tiri: …………….
( adlee waaye)

5-Nin Reer Kaaraan ah ayaa walaalkii Qurbaha uga soo dhiibay Mobile iphone 11 ah, Jeebka gadaalo ayuu gashaday, Xoogaa markii uu fadhiyay ,ayuu maqlay Qujujuc, waxa uu dareemay in shaashadii ey jabtay. Waxa uu yiri: Ilaahoow Qujujucdaa aan maqlay Dhuuso ka dhig. ( F.S: 4aad)

( Gedo iyo Galmudug, jeeb qalad ah ayaan galinee, Alloow Qujujucdooda Madaafiic ha ka dhigin ee Allow Duuso ka dhig)

6-Wiil ayaa Gabar ey deris ahaayeen Darbigooda Maalin kasta istaagi jiray lamana hadli jirin, Waxa ey aamintay in uu jecel yahay, laakin uuna la hadli Karin.

Hooyadeed ayeey ku tiri: Hooyo wiilkaa deriskeena ah aad ayuu ii jecel yahay waan hubaa, laakin wuu xishoonayaa ilamana hadli karo. Hooyadii ayaa ku tiri: Naa wiilka Guriga soo gali oo u sheekeey. Wiilkii ayeey u yeertay oo Gurigii soo galisay oo ey fadhiisisay Cabitaanna u keentay. Kuna tiri: waan ogahay in aad si weyn ii jeceshahay, oo mar waliba aad Darbigeena taagantahay oo aad iga xishoonee ,hadda Gacma furun ku soo dhawoow gacaliye.

Wiilkii oo yaaban ayaa ku yiri: Walaaleey Annigu kuma jecli , Darbigana waxaan u soo istaagaa khadka Wi-Fi ga, idiinkugu jiro ayaan isticmaalaa.

(Waxaa jiro Hay’ado caalamiya oo aan u maleyno in Jaceyl ey Deyn nooga cafinayaan, laakin Mustaqbalkeena isticmaalayo, siyaasiyiintuna shacabka ey u sheegaan inay na jecelyihiin, ogow Deyn la cafiyay ma jirto ee Deyn la xawilay ayaa jirto )

Qore: Yahya Amir

About Author