Mareykanka iyo Iiraan
Muddo haatan laga joogo 40 sanno waxaa xumaaday xirriirkii diblomaasi ee Mareykanka iyo Iiraan u dhaxeeyey, ka dib kacdoonkii Iraan ka dhashay iyo afduubkii loo geeystay shaqaalihii safaarada Mareykanka ee Tehran.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=Bf1IdNVMHGg]
Su’aalaha aan barnaamijkaani ku weydiin donna waxaa ka mid Su’aalahan:
- Marka laga soo tago taa, ma waxaa jirra arrimo kale oo aan la ogeyn oo cadaawad iskaga dhigay labada dowladood?
- Laga soo bilaabo 1970-naadkii qarnigii hore ilaa imankan Mareykanku cuno qabateyn wejiyo kala duwan leh ayuuu rogay, maxeey cuno qabateyntan u dhintay xukuumada Tehran?
- Heysashada Iran ee hubka Nukliyeerka ah, wuxuu sanado badan cabsi iyo walaac ku hayey dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil oo ah xulufo isku dhow, xaggee ku dambeeyey barnaamijkeedii Nukliyeerka?
- Trump intii uu doorashada ku jiray ayuu sheegay in dowladiisa ka baxeeyso heshiis-5ta dowladeed ee quwada Nukliyeerka lihi la galeen Iiran ee ah hakinta barnaamijkeeda Nukliyeerka, taas oo ficliyan dhacday, muxuu haddaba arrinkan ku soo kordhiyey xiisadii labada dowladeed u dhaxeeysay?
- Bishii agoosto ee sanadkii hore hogaamiyaha Iran, wuxuu joojiyey dhamaan xirriirkii caatada ahaa ee ay dowladiisu la laheyd Washington. Bal waxaaba uu sheegay in ay taasi dhaceyn inta Trump dhex yuuraro Aqalka Cad. Iiran dan ma ugu jirta in Washington la coloowdo, marka la eeggo sida dalalka Khaliijka ay u arkaan in aytahay col la yaal oo gobolka ku ah halis xirrirna warkiisa haba sheegin?
- Jeneraal Qaasim, oo ah jeneraal dalkiisa howl gal u joogay Ciraaq ayaa Mareykanku dilaay, maxeey tahay sababta loo dilay?
- Trump qudbadiisi wuxuu kuu sheegay in heybadii Iran ay dhaawaceen, islamrkaasina aan dhibaato ka soo gaarin gantaalihii Iiran ku tuurtay saldhigyada ciidan ee ay ku leeyihiin Ciraaq, marka hadaladaas faanka ah laga soo tago maxaa nuxur leh oo. Qudbadiisa ku jiray?
- Labada dhinac ma u muuqdaan ineey sii wadayaan, mase ku ekaan kartaa halkaa?
- Diyaaradii rakaabka aheyd ee Yukureyn ee Iiran soo riday, ayey ugu dambeyntii maanta qiratay, muxuu ku soo kordhin karaa culeeyska maamulka Tehran saaran?
- Ugu dambeyntii labada dowladood diyaar ma u yihiin in xiisada jirta ay halkaas ku ekeeyaan? Mustaqablka Bariga Dhexe muxuu kuula ekaan karaa?