Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dil caweysnimadii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoona uu dilkan gaystay nin askari ah.
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xilligaa hawlgal ka waday xaafadda Horseed ayaa rasaas huwiyay mooto bajaaj uu la socday Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Siigaale), ka dib markii darawalkii mooto bajaajta aanu maqlin amar ay siiyeen ciidamada.
Goobjooge codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, lana hadlay Dhacdo.com ayaa yiri “Ciidamada oo hawlgal ka waday xaafadda Horseed waxaa wadada soo maray bajaaj uu la socday Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Cabdiraxmaan Siigaale), darawalkii bajaajta ayayna ciidamada ku amrayn inuu joogsado, laakiin muusan maqlin, ka dib askari ka mid ahaa ciidamada ayaa rasaas ku furay, bajaajtii ayayna rasaasta kula dhex dhacday Cabdiraxmaan Siigaale. Dhaawac ahaan ayaa loogu qaaday isbitaalka guud ee degmada, dhaawacii ayuuna ugu geeriyooday, laakiin darawalka ayaa ka badbaaday rasaastaasi.”
Bashiir Nageeye oo ay ehel yihiin Cabdiraxmaan Siigaale ayaa sheegay in ninkaasi uu caan ka ahaa Magaalada Dhuusamareeb, dadka deegaankana ay ugu yeeri jireen Dhagoole Yare.
“Ninkan wuxuu ahaa dhagool, laakiin uu Ilaahay wax kasta u fududeeyay, caan buuna ka ahaa Magaalada Dhuusamareeb. Reer Dhuusamareeb waxay u yaqaaneen Dhagoole Yare. Dhagoole Yare wuxuu la dhashay nin sidiisa oo kale oo dhagool ah, waa laba walaalo oo magaalada aad looga garanayo.” Ayuu yiri Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhalinta reer Dhuusamareeb.
Bashiir Nageeye oo u waramay Dhacdo.com ayaa yiri “Dhagoole Yare wuxuu magaalada ku lahaa harqaan dharka lagu talo. Xalay ayay tiisa noqonay, isagoo ku sii jeeda hoygiisa oo ku yaala xaafadda Waaberi ayuu nin askariya ku dilay wadada dheer ee marta xaafadda Horseed.”
Ka dib la wareegistii Ciidamada Dowladda ee gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa magaaladaasi ku soo badanayay dilalka.