Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xalay ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir,kowlgalkaas oo dad badan lagu qabqabtay.
Howlgalka ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group waxaa ay ka sameeyeen Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxaana la sheegay in ay Ciidamada Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen sigaar ah Guryo bartilmaameed u ahaa.
Wararka qaar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Alfa Group ay Guri ku yaalla Xaafada Xamar Jadiid ka heleen waxyaabaha qarxa oo ay qarixiyeen,sidoo kalena ay xir xireen dad Gurigaasi ku sugnaa.
Intii uu howlgalka socday ayaa sidoo kale Ciidamada waxaa ay qab qabteen Boqolaal Ruux oo dhalinyaro u badan,kuwaas oo hal Goob la isugu geeyey,walow baaritaan dheer kadib badankood la siidaayey.
Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.