Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faalooda arrimaha amniga iyo Siyaasadda ayaa si weyn u dhaliilay qaabkii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA u shaacisay warkii ahaa in qaraxii ka dhacay Muqdisho uu dal shisheeye ku lug lahaa.
Wareysi uu siiyay Radio Risaala ayuu Dr. Xasan Sheekh Cali ku sheegay in Hey;adda Nabadgelyada Qaranka aan loogu tala gelin inay qaadato doorka Propagandada, isla markaana arrimaha sirta qaranka ay aheyd inay la wadaagto Madaxda Sare oo kaliya, halkii ay ku faafisay barta Twitter-ka.
“Hey’adda Nabadgelyada Qaranka looguma tala gelin inay hadasho, oo ay qaadato doorkii Propagandada, looguma tala gelin howl u taal Madaxda Sare dalka, xataa xogta ay heyso looguma tala gelin inay la wadaagto Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka waxaa loogu tala galay Golaha Amniga Qaranka oo kaliya”
Dr. Xasan Sheekh Cali oo sii hadlayay ayaa yiri “Hey’ad Qaran lama dhihi karo Nabadsugida maxaa yeelay qaran sidaa uma shaqeeyo, shaqadaas ma aheyn inay hey’adda qabato oo saas u hadasho, wixii ay soo baarto oo xog ah ay soo hesho waa inay la wadaagto Madaxda qaranka oo keli ah, xataa Golaha wasiirada looguma tala gelin, waa sir Qaran, haddii howl saas ah suuqa soo dhigeyso hey’adda Qaran ma ahan ee Xafiis Propaganda ah”