Dowladda Kenya ayaa gabi ahaan joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee garoonka Manda Airport kaas oo ku yaalla gobolka Lamu.
Go’aankaan waxey dowladda Kenya soo marisay hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano KCAA.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkii lagu qaaday saldhig Malatari oo ku yaalay Gobolka Lamu kaas oo ay si wadajir ah u maamulaan Kenya iyo Mareykanka, waxeyna hay’adda sheegtay ineysan wax duulimaad ah jiri doonin ilaa laga helo faah-faahin dheeri oo ku saabsan weerarkii saakay.
Wargeyska Daily Nation ee laga leeyahay Kenya ayaa baahiyay warbixintan iyadoo dowladda isagoo ugu yeeray kooxdii weerarka geysatay dabley hubeysan.
Laba ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gudaha Kenya ayaa xaqiijiyay ineysan maanta jirin wax duulimaad ah oo ay diyaaradahooda ku tagayaan gobola Lamu gaar ahaan garoonka Manda Airport, waxeyna taas timid kadib amarka kasoo baxay KCCA.
Xerada la weeraray waxaa loogu yeeraa SIMBA, waxeyna ku taalaa deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu, balse maanta oo ah maalintii 5-aad ee sanadka cusub subax wanaagsan uma aheyn ciidamada halkaas ku sugnaa maadaama ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.
Warbixinada ay baahiyeen warbaahinta dhex-dhexaadka waxaa lagu sheegay in weerarka lagu burburiyay saddex diyaarad oo nuuca dagaalka ah, balse wargeyska Daily Nation wuxuu saraakiil ciidan kasoo xigtay in shan qofood loo xiray weerarka.
Xoogagga Al-Shabaab waxey muujinayaan sida ay ugu xoogan yahiin gudaha Kenya, waxaana la xasuustaa in sanadkii hore ay gaar nuuca rakaabka ah ku weerareen isla gobolka Lamu.
About Author