Maanta oo Arbaco ah waxaa hadal jeedinta Baarlamaanka Galmudug ay ka dhageysteen Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.
Doorashada ayaa berri oo khamiis ah ka dhaceysa Dhuuso mareeb sida jadwalka ku asteysan 30-ka Bishana ku beegan.
Murashaxiinta aadka loo dhowrayey Hadal jeedintooda waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo aad loogu saadaalinayo inuu Madaxweynaha Kusoo baxo.
Qoor qoor ayaa seddex Qodob ballan qaaday inuu wax ka qaban doono hadii Madaxweynaha Galmudug uu kusoo guuleysto,kuwaas oo kala ah,Amniga,Cadaalada iyo ciidan Adag oo la dhisayo.
Kulanka Baarlamaanka ay ku yeesheen Maanta Dhuuso mareeb waxaa shir gudoominayey Dr Maxamed Nuur Gacal,waxaana la sheegay inay xaadireen 72 Mudane.
Mana aysan ka qeyb galin Xubnaha Ahlusuna Ka yimid,taas oo tiradooda ay gaareyso 20 xildhibaan,mana cada 3 tiro ee dheeriga halka ay ka yimaadeen maadaama 69 ay aheyd Kuwa Ahlusuna ay 20 kooda 89 ka dhigi laheyd.